Madaxwaynaha Imaaraadka Oo Gaaray Hindiya Iyo Modi soo Dhaweyay

by Heemaal
0 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha dalka Imaaraadka Carabta Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, ayaa maanta safar shaqo ku tegay dalka Hindiya, waxaana madaarka ku qaabilay Madaxweynaha Hindiya Narendra Modi.

Labada Madaxweyne ayaa la filayaa inay ka wadahadlaan xidhiidhka labadooda dal u dhexeeya iyo danaha guud ee ay wadaagaan oo ay ka mid yihiin xaaladaha ka taagan caalamka iyo gobolka.

Imaaraadka iyo Hindiya ayaa ka mid ah dalalka xidhiidhka fiican la leh dalka Israa’iil oo dhawaan aqoonsaday Somaliland.

Haddaba, labada Madaxweyne ma ka wadahadli karaan qaddiyadda Somaliland iyo aqoonsigeeda, maadaama oo uu xumaaday xidhiidhkii Imaaraadka iyo Soomaaliya?

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.