Madaxwayne Ciro Oo Kulan Afur ah la Qaatay Ugaaska Guud Ee Beelaha Gadabuursi Ugaas Abdirashiid.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa kulan Afur ah qasriga madaxtooyada kula qaatay Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi.

Kulanka oo uu Madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, ayaa ku qabsoomay jawi is-ixtiraam iyo is-afgarad leh, waxaana diiradda lagu saaray xoojinta nabadda, amniga iyo wadajirka bulshada ee Gobollada Awdal iyo Selel.

Madaxweynaha iyo Ugaaska guud ayaa ka wada hadlay doorka muhiimka ah ee hoggaanka dhaqanku ku leeyihiin ilaalinta xasilloonida iyo xoojinta wada noolaanshaha bulshada.

Madaxweynaha ayaa Ugaaska ku bogaadiyey kaalinta ay hoggaanka dhaqanku kaga jiraan nabadda iyo isku haynta bulshada, isaga oo xusay in Xukuumaddu mar walba diyaar u tahay wada-shaqayn dhow.

Ugaaska Guud ayaa dhankiisa Madaxweynaha uga mahad naqay kulanka, isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay sii xoojinta nabadda, midnimada iyo wada noolaanshaha bulshada Jamhuuriyadda Somaliland.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 πŒπ€π‡π€πƒ 𝐋𝐄𝐇

Related posts

Madaxweynaha Colombia Oo Ugu Baaqay Trump inuu ka Fogaado R/Wasaraha Israa’iil Netanyahu.

Dawlada Jabuuti Oo Taageero u Muujisey Imaaraadka Carabta, ka dib Wada-hadal dhexmaray

Iiraan Oo Caawa Gubtay Dhismaha Marina Tower ee Dubai oo ka kooban 90 Dabaq oo Gubanaya