M/Ciro Oo Kulan la Qaatay Komishanka Doorashooyinka Iyo Madaxda Sadaxda Xisbi Ee Somaliland.

by Heemaal
3 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Hoggaanka Sare ee Saddexda Xisbi Qaran: WADDANI, KAAH iyo KULMIYE, si la iskugu wargeliyo loogana wada tashado Qabsoomidda Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Degaanka JSL oo u muddaysnaa 31.05.2026-ka.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Hoggaanka Sare ee Saddexda Xisbi Qaran uga mahad naqay kulankan muhiimka ah, isaga oo xusay in ay muhiim tahay in Qaranka iyo daneeyeyaasha Doorashooyinku ay ka wada tashadaan qaabka, xilliga iyo xaaladda ugu habboon ee ay u qabsoomi karaan Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Degaanka.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu Hoggaanka Sare ee Saddexda Xisbi Qaran la wadaagay go’aanka KDQ ee la xidhiidha in aan Doorashooyinkii u muddaysnaa 31.05.2026-ka aanay suurto gal ahayn in ay ku dhacaan waqtigoodii, arrimaha sababay dib u dhaca iyo waqtiga loo muddeeyey, sidaa darteedna KDQ ay go’aamiyeen:

1. In Doorashada Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Degaanka ee u qorshaysan in la qabto 31 May 2026-ka aanay qabsoomi karin caqabado jira awgood.

2. In Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL farsamo ahaan uu u baahan yahay muddo 10 bilood ah oo ka bilaabmaysa 31 May 2026-ka.

Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxa ay sheegeen in ay jiraan caqabado waaweyn oo si toos ah u saamaynaya qabsoomidda Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Degaanka, kuwaasi oo kala ah:

1. Abaaro baahsan oo ka jira dhammaan Gobollada dalka, kuwaasi oo sababay barakac iyo hayaan ay dadka ku dhaqan miyigu ay guureen;

2. Xaalado Amni oo ka jura degeenno ka mid ah dalka;

3. Kala aragti duwanaanshaha Xisbiyada Qaranka (Daneeyeyaasha Siyaasadda) ee la xidhiidha nooca Diwaangelinta Codbixiyayaasha ee lagu gelayo Doorashooyinka oo waqti dheer qaatay.

Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxa ay hoosta ka xarriiqeen in muddadaa 10-ka bilood ah (ka bilaabmaysa 31 May 2026-ka) ay diyaarin doonaan:

1. Dhammaan arrimaha Farsamo ee ay u baahan tahay Diwaangelinta Codbixiyayaasha,

2. Kor-u-qaadidda tayada xogta codbixiyayaasha iyo Casriyeynta Agabka Diwaangelinta,

3. Diyaarinta iyo qabashada Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka.

Waxa xusid mudan in Xisbiyada Siyaasadda ee Qaranka JSL ay ku kala aragti duwan yihiin go’aanka ay soo saareen Komishanka Doorashooyinka Qaranku, gaar ahaan Xisbiga KAAH meel adag iska taagay go’aanka ay soo saareen Komishanka Doorashooyinka Qaranku, halka labada Xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE ay soo dhaweeyeen, mawqif isku mid ahna ka qaateen go’aanka KDQ.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Xisbiyada Qaranka iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka u sheegay in loo baahan yahay in qabsoomidda Doorashooyinka Qaran ahaan la muujiyo midnimo Qaran iyo isku duubni, gaar ahaan marxaladda xasaasiga ah ee uu dalku galay aqoonsigii Israa’iil kaddib iyada oo ay kor u kaceen cunfiga iyo cadaawadda abaabulan ee loo qaaday Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu Daneeyayaasha Siyaasadda u caddeeyey in Xukuumad ahaan ay diyaar u tahay bixinta wixii dhaqaale ah ee ku baxaya diwaangelinta codbixiyayaasha iyo qabsoomidda Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka.

Gabagabadii, kulanka Xisbiyada Qaranka iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in xal wadatashi ku salaysan laga gaadho kala aragti duwanaanshaha daneeyayaasha siyaasadda, si loo xaqiijiyo qabsoomidda doorashooyin loo dhan yahay, hufan, isla markaana nabad ku dhacda.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇


Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.