Madaxwayne Ciro Oo Sanadkii Labaad ka Qayb-galay 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐨𝐫𝐥𝐝 𝐆𝐨𝐯𝐞𝐫𝐧𝐦𝐞𝐧𝐭𝐬 𝐒𝐮𝐦𝐦𝐢𝐭 𝐞𝐞 𝐃𝐮𝐛𝐚𝐢 -𝟐𝟎𝟐𝟔

by Heemaal
2 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sanadkii labaad oo xidhiidh ah ka qayb-galay Shirka Caalamiga ah ee Kulanka Dawladaha Adduunka (World Governments Summit), oo ka qabsoomay Magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Shirkan oo ka mid ah kulamada Caalamiga ah ee ugu muhiimsan Dunida, waxa badanaaba diiradda lagu saaraa hoggaaminta casriga ah, maamul-wanaagga, horumarinta Dawladnimada, iyo aragtida mustaqbalka caalamka.

Shirka World Governments Summit ee sanadkan waxa ka soo qaybgalay kumannaan qof, kuwaas oo isugu jiray Madax Dawladeed, Hoggaamiyeyaal Caalami ah, Ra’iisul-wasaarayaal, Wasiirro, Khubaro Caalami ah, Ganacsato waaweyn, iyo Wakiillo ka socda Hay’adaha waaweyn ee Caalamiga ah. Ka soo qaybgalka ballaadhan ee heerkan ahi waxa uu muujinayaa miisaanka iyo saamaynta uu Shirku ku leeyahay jihaynta Siyaasadda iyo Horumarka Caalamiga ah.

Ka qaybgalka Madaxweynaha Somaliland ee Shirka sanadkii labaad oo xidhiidh ah waxa uu si cad u muujinayaa doorka sii kordhaya ee ay Somaliland ku leedahay Fagaarayaasha Caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa inta uu shirku socdo fursad u heli doona in uu kulammo midho-dhal ah la yeesho Hoggaamiyeyaal iyo Masuuliyiin Caalami ah, isaga oo faahfaahin ka bixin doona horumarka, xasilloonida, iyo hiigsiga mustaqbal ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Sida oo kale, ka qaybgalka Shirkan Caalamiga ah waxa uu Somaliland u leeyahay faa’iido diblomaasiyadeed oo weyn, maaddaama Jamhuuriyadda Somaliland ay codkeeda, aragtideeda iyo waayo-aragnimadeeda Dawladnimo ka dhiibanayso Madal Caalami ah, taasi oo xoojinaysa xidhiidhada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga Caalamiga ah.

Shirka World Governments Summit waxa si gaar ah diiradda loogu saaraa hal-abuurnimada Dawladnimada, Adeegsiga Teknoolajiyadda casriga ah, Isbeddellada Caalamiga ah, iyo xoojinta wada-shaqaynta dalalka dunida, taasi oo Jamhuuriyadda Somaliland u noqotay madal muhiim ah oo ay ku muujiso Aragtideeda, danaha Qarankeeda, iyo Doorkeeda Gobolka iyo Caalamkaba.

Jamhuuriyadda Somaliland oo sannadkii 2-aad oo xidhiidh ah ka qayb-gashay Shirka Caalamiga ah ee World Governments Summit, waxa uu astaan cad u yahay dedaallada joogtada ah ee ay Xukuumada Wadajir iyo Waxqabad ugu jirto xoojinta xidhiidhada diblomaasiyadeed, kor u qaadista magaca iyo sumcadda Caalamiga ah, iyo halganka uu Qaranka JSL ugu jiro xaqiijinta Aqoonsi buuxa oo Caalami ah, iyada oo ay Somaliland si kalsooni iyo ku-dhacba leh uga muuqanayso Masraxayada Caalamka.

Wefiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka mid ah:

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,

Wasiirka Madaxtooyada,

Wasiirka Macdanta & Tamarta,

Wasiirka Diinta & Awqaafta,

Madaxa Xafiiska Madaxweynaha (Chief of Staff); Safiirka Somaliland ee UAE, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda,

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.