Madaxwayne Trump Oo ku Farxay Geerida Madaxii hore ee Hay’ada Sirdoonka Maraykanka

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa dhambaal digasho ah u diray Agaasimihii hore ee CIA Maraykanka Robert Mueller kaas oo maanta geeriyooday.

Trump ayaa geerida ninkan kadib qoraal ku baahiyay bartiisa Truth Social ayaa yidhi “waan ku faraxsanahay inuu dhintay. Mar dambe ma waxyeelleyn karo dad aan waxba galabsan..”.

Robert Mueller oo soo noqday Agaasimihii Haayadda Sirdoonka Maraykanka waxa uu sannadkii 2016 madax u ahaa guddi baadhay fara gelintii Ruushku ku sameeyey doorashadii uu ku soo baxay madaxweyne Trump isaga oo xilligaas caddeeyey in Trump hab qaldan kursiga ku yimi.

Ninkan Robert Mueller ayaa xilka loo magacaabay todobaad kadib weeraradii lagu qaaday daarihii Maraykanka ayaa la aaminsan yahay inuu ahaa ninkii ka danbeeyay qorshahii lagu ogaaday Usaama Binu Laden oo ay Ciidamada Maraykanku ku dileen dalka Pakistan.

Donald Trump oo aan looga baran in uu cafiyo qof maalin uun la dagaallamay ayaa hadda diray dhambaal wiirsasho ah kaas oo si weyn caawa u haysta Warbaahinta Caalamka.

Related posts

Sacuudiga, Pakistan,Turkey & Masar Oo Heshiis Gaaray Iyo Turkiga Oo Iran Uga Digay Weerarada Dalalka Carabta.

Israa’iil Oo Sheegay Inay 20 Qof ku Dhaawacmeen Gantaalo ay Caawa Iran ku Weerartay Dimona

Israel Oo ku Baaqday in loo Midoobo Dagaalka Iran Walaac-na ka Muujisay Gantaalka 4,000 KM