Madaxweynaha Fadaraalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo laabtay dalka, ka dib socdaallo uu ku tegey Qadar & Masar, isaga oo guda-geleya wada-hadalladii loo ballansanaa oo uu la yeelanayo Golaha Mustaqbalka todobaadkan.
Weftiyada hordhaca & ciidamada ilaalada madaxda Puntland & Jubbland ayaa berri tegeya caasimadda, iyada oo shirkana lagu wado in uu ilaa Khamiista ka furmo xayn-daabka garoonka Aaden-cadde.
Ajanduhu waa in laga wado-hadlo; Doorashooyinka & Dastuurka, Midnimada, Abaaraha & Dagaallada-dib-u-xoraynta, hase yeeshee xildhibaannada taabacsan xukuumadda ayaa doonaya in ay dhammaystiraan wax-ka-beddelka Dastuurka ka-hor shirka, si ay miiska ula tagto dowladdu.