Madaxwayne Xasan Oo Gaaray Adis-ababa si Wayna Loogu soo Dhaweeyay

by Heemaal
0 minutes read

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu uga qayb-galayo shir-madaxeedka Midowga Afrika.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si rasmi ah ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Wasiirka Dakhliga Itoobiya, Ainalem Nigusse, oo matalayay dowladda Itoobiya.

Shirkan oo ay isugu imanayaan madaxda dalalka Afrika ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha nabadgelyada, iskaashiga dhaqaale iyo xoojinta xiriirka dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu kulamo gaar gaar ah la yeesho madaxda kale ee ka qayb-galaysa shirka.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.