Madaxweynaha Colombia oo Sheegay inuu Hubka U Qaatay sidii Uu Maraykanka Uga Difaaco dalka

by Heemaal
1 minutes read

Madaxweynaha Colombia Gustavo Petro ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu “hubka qaato” si uu Maraykanka uga difaaco Colombia.

Hadalkiisa ayaa daba socda hanjabaad ka timid Donald Trump, oo ku hanjabay tallaabo militari oo ka dhan ah dowladda Colombia, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters iyo dhowr warbaahin oo kale.

Trump ayaa ku eedeeyay hogaamiyaha Colombia inuu ku lug lahaa ka ganacsiga daroogada ee Mareykanka.

Qoraal uu saaka soo dhigay baraha bulshada ayuu Petro ku sheegay in aanu si toos ah uga jawaabi doonin Trump ilaa uu ka hubsado in faallooyinka si sax ah loo turjumay. Wuxuu kaloo dafiray inuu yahay “sharci darro” ama uu ka ganacsado daroogada.

Qoraal uu soo dhigay, Petro waxa uu sheegay in uu ku dhaartay “in aanu mar kale taaban” hub – laakiin difaaca dhulka hooyo, in uu hubka qaadan doono.

Have any thoughts?

Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.