Madaxweynaha Colombia Oo Ugu Baaqay Trump inuu ka Fogaado R/Wasaraha Israa’iil Netanyahu.

Madaxweynaha dalka Colombia Gustavo Petro ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu ka fogaado Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

Petro oo khudbad ka jeedinayay munaasabad aaska hoggaamiyihii xuquuqda madaniga ee Mareykanka Jesse Jackson oo Jimcihii ka dhacday magaalada Chicago, ayaa si toos ah uga hadlay xiisadda iyo colaadda sii kordheysa ee Bariga Dhexe.

Madaxweynaha Colombia ayaa sheegay in loo baahan yahay in Mareykanku qaato door ka duwan kan hadda jira, isaga oo ugu baaqay Trump inuu ka fogaado siyaasadda Ra’iisul Wasaare Netanyahu, xilli dagaalka iyo xiisadaha gobolka ay sii xoogeysanayaan.

Related posts

Dawlada Jabuuti Oo Taageero u Muujisey Imaaraadka Carabta, ka dib Wada-hadal dhexmaray

Iiraan Oo Caawa Gubtay Dhismaha Marina Tower ee Dubai oo ka kooban 90 Dabaq oo Gubanaya

Imaaraadka Carabta Oo Sheegay inay Nidaamyada Difaaca Dubai iyo Magaalooyinka kale la tacaalayaan weerarrada Iran