Madaxweynaha Iran Oo Sheegay In loo Balansan-yahay Joojinta Dagaalka Kuna Hanjabay

Madaxweynaha dalka Iran Mascuud Bisishkiyaan ayaa sheegay in loo baahan yahay sidii loo joojin lahaa dagaalka ka soconaya bariga dhexe isaga oo tilmaamay in waan waan loo baahan yahay.

Sidoo kale Iiraan ayaa ku hanjabtay inay xiri doonto badda cas iyo marinka Bab al-Mandab , haddii Mareykanka uu weerarro jasiiradda Kharg oo ah halka 90% shidaalka Iiraan laga dhoofiyo, sida ay werisey wakaaladda wararka Iiraan ee Tasnim.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu dagaalku galay toddobaadkii afraad isla markaana Maraykanku isu diyaarinayo in uu ciidamo cusub u diro gacanka Hormuz.

Laba toddobaad ka hor Madaxweynaha Iran waxa uu raalli gelin siiyey waddamada dariska la ah iran hayeeshe waxa raalli gelintaas diiday ciidanka Kacaanka Iran oo dalbaday in dagaalka la sii wado.

Dhinaca kale Warbaahinta Sky News ayaa sheegtay in Uk aysan lahayn nidaam joogto ah oo dhulka ku rakiban oo lagu qabto gantaallada ballistic-ga ee ku duula meelaha sare.

Warbixintu waxay ku soo beegmaysaa xilli Iran ay muujisay awood gantaallo oo gaari karta ilaa 4,000 km, kadib markii ay beegsatay saldhigga militari ee Diego Garcia ee Badweynta Hindiya, oo ay isticmaalaan ciidamada Maraykanka iyo ingiriiska.

Arintaan ayaa muujinaya in weerarkaasi, uu sare u qaaday walaaca ku saabsan awoodda fog ee gantaallada Iran iyo difaaca hawada ee dalalka reer Galbeedka.

Related posts

Israa’iil Oo Sheegay Inay 20 Qof ku Dhaawacmeen Gantaalo ay Caawa Iran ku Weerartay Dimona

Israel Oo ku Baaqday in loo Midoobo Dagaalka Iran Walaac-na ka Muujisay Gantaalka 4,000 KM

Madaxwayne Trump Oo ku Farxay Geerida Madaxii hore ee Hay’ada Sirdoonka Maraykanka