Madaxweynaha Jarmalka Oo Shaci Jabin ku Tilmaamay Dagaalka Lagu Qaaday Iran.

Madaxweynaha Jarmalka, Frank-Walter Steinmeier ayaa hadal uu maanta jeediyay ku sheegay in Dagaalka Mareykanka ee ka dhanka ah Iiraan uu jebinayo sharciga caalamiga ah. wuxuuna yiri;

“Dagaalka Mareykanka ee ka dhanka ah Iiraan wuxuu jebinayaa sharciga caalamiga ah.Siyaasadeena dibadda kalsooni ma yeelanayso haddii aanan si cad u oran waxa sharciga jebiya waa jebin,dagaalkan si cad ayuu uga hor imaanayaa sharciga caalamiga ah, shaki kuma jiro.”

Isagoo ka hadlay heshiiskii nukliyeerka ee Trump uu ka baxay sannadkii 2015, wuxuu yiri:

“Waligeen uma aanan dhowaan sida hadda oo kale xaalad Iiraan ay ku yeelan karto awood nukliyeer.Trump ayaa fashiliyey heshiiskaas,wuxuu ka baxay heshiiska sanadkii labaad ee muddo xileedkiisii hore, kadibna muddadiisii labaad ayuu bilaabay dagaalka.”

Related posts

Iran oo Israel ku Weerartay Gantaalo ka Miisaan culus kuwii Hore

Qodobada Heshiiska uu Mareykanka u Gudbiyay Iiraan Oo la Shaaciyay.

Xoghayaha Dagaalka Mareykanka Oo Trump ka Hor-qiray In Awooda Iran la Jabin karin.