25
Madaxweynaha Koonfurgalbeed, Cabdicasiis Laftagareen ayaa dalbaday in uu dalka isaga baxo, isaga oo talada & maamulka ku wareejinaya DFS, Madaxda Federaalka ayaa se weli ku adkaysanaya in la geeyo Muqdisho, iyada oo mas’uuliyiinta sarsare ee DFS qaar ay ku soo wajahan yihiin Baydhabo.
Magaalada xalaadeeda ayaa degen, ciidamada & mas’uuliyiinta KGS qaar ayaa isu dhiibey Dowladda Federaalka oo mas’uuliyiinteedu sheegeen; in aan aargoosi jirin oo waxba laysu haysan — waxa la sugayaa waa DFS oo mas’uuliyadda Baydhaba cid u magacowda isla markaasna gudagashada hoggaamin u sameynta KGS.