62
Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Siisi ayaa maanta qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Amiir Faysal bin Farxaan,iyadoo kulanka marka uu dhammaaday warsaxaafadeed ay sii deysay madaxtooyadda Masar lagu sheegay in Sacuudiga iyo Masar ay si wadajir ah u adkeynayaan midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, Yemen iyo Suudaan.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiisyay in la billaabo iskaashi milatari, sirdoon iyo diblomaasiyada oo la sheegay in lagu wajahayo khataraha laga filayo Qasa iyo Geeska Afrika.


Have any thoughts?
Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

