Sunday, April 5, 2026

Madaxweynaha Masar Oo si Adag ugu Baaqay Beesha Caalamka ilaalinta Ammaanka Biyaha Nile-ka,

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi, ayaa si adag ugu baaqay Maraykanka iyo beesha caalamka inay gacan ka geystaan ilaalinta ammaanka biyaha Nile-ka, ka dib markii uu sheegay in maamulka Itoobiya uu ku dhaqmay si aan xad lahayn, taasoo halis gelisay biyo-amaanka dalka.

El-Sisi ayaa carabka ku adkeeyay in go’aannada aan laga tashan ee Itoobiya ay horseedeen dhibaatooyin muuqda oo saameynaya nolosha malaayiin masaari ah, wuxuuna ku boorriyay bulshada caalamka inay ka hortagaan khataraha mustaqbalka ee la xiriira biyaha.

Warbixinta ayaa tilmaamaysa in Masar ay dooneyso xal degdeg ah oo dib u heshiisiin ah, kaasoo lagu xaqiijinayo in ilaha biyaha ee Nile-ka ay ahaadaan kuwo la wadaago oo ammaan ah.

Madaxweynaha Belarus, Lukashenko oo weerar afka ku qaaday ISRL ayaa yidhi “ISRL waa dowlad yar oo argagixiso ah, waxay bilaabeen iney meel walba duqeeyeen.”

Madaxweynaha Belarus ayaa ISRL-IYIINTA ku tilmaamay dad nacasyo ah oo u malaynaya in Mareykanku uu Adduunka oo dhan u qaban doono iyaga.