Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku gacan saydhay codsi uga yimid Madaxweynaha Soomaliya oo ka codsaday in ay ka wada hadlaan arrimaha Hawada iyo E-visaha si xal looga gaadho.
Balse Madaxweyne Cirro ayaa diiday Arintaasi isla markaana u sheegay in aanay Madaxweyne Xasan Sheekh ka wada-hadlayn wax ku saabsan qaranimada Somaliland.
Wasiirka Duulista oo xogtan sheegay ayaa intaasi raaciyay in ay Soomaliya ay tahay cadowga Somaliland, Madaxweyne Cirro-na uu Go’aanka ku gaadhay danaha Somaliland in uu uga raadiyo fagarayasha, golayasha iyo miisaska masiirka Dunida lagu jaangooyo.