Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa warqad rasmi ah u diray Madaxweynaha Pakistan, Asif Ali Zardari, taasoo muujineysa rabitaanka labada dal ee ah xoojinta iskaashiga iyo xiriirka saaxiibtinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan. Warqadda ayaa qeyb ka ahayd kulan rasmi ah oo ay labada dhinac yeesheen, kaas oo sidoo kale lagu saxiixay heshiis meesha ka saaraya fiisaha safaradda u dhexeeya labada dal.
Heshiiskan waxaa si rasmi ah u saxiixay Mr. Hamza Adan Haadoow, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, iyo Mr. Dawood Muhammad Baraech, Xoghayaha Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Ka-hortagga Daroogada ee Pakistan.
Madaxweynaha Zardari ayaa xusay muhiimadda Afrika ku leedahay siyaasadda caalamka, isagoo caddeeyey in Pakistan ay dooneyso in la xoojiyo xiriirka ay la leedahay waddamada Afrika, gaar ahaan Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale muujiyey taageerada Pakistan ee dadaallada goboleed iyo caalami ee lagula dagaallamayo dambiyada xuduudaha ka gudba iyo ka ganacsiga daroogada.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, Cali Xoosh, ayaa bogaadiyey martigelinta diirran ee dowladda iyo shacabka Pakistan, isaga oo sidoo kale ka hadlay fursadaha iskaashi ee dhinacyada cadaaladda, sharciga, ka hortagga dambiyada abaabulan, tababarka ciidamada, iyo adeegyada aqoonsiga, kuwaas oo Pakistan ka caawin doonto Soomaaliya. Kulanka waxaa sidoo kale looga wada hadlay suurtogalnimada heshiisyo la xiriira extradition-ka, kaalmo sharci iyo wareejinta dadka xukuman.





