Madaxweynaha Suuriya Al-Sharac oo Xaqiijiyey guul kale oo Taariikhi ah

by Heemaal
3 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Suuriya , Axmed Sharac ayaa ku jiro daqiiqado muhiim ah, kaddib markii si rasmi ah loo xaqiijiyay ciidanka dawladda Suuriya inay la wareegeen labadii ceel ee shidaalka ugu badan ee Suuriya laga soo saari jiray , ka hor 2010 , inta uusan qarxin dagaalkii sokeeye, waqtigaa dhaqaalaha dawladda Suuriya 50%, wuxuu ku tiirsanaa labada ceel ee mar kale maanta gacanta Dimishiq ku soo laabtay.

Hadda, markii ugu horreysay muddo ku dhow 15 sano, ciidanka Suuriya ayaa dib u soo celiyay qayb ka mid ah ceelashii ugu muhiimsanaa ee Suuriya, gaar ahaan kuwa ku yaalla miyiga Raqqa. Qabsashada ceelasha Safyan iyo Al-Thawra ayaa qeyb ka ahayn howlgal milatari oo ciidanka dawladda Suuriya ay billaabeen.

Markii ceelashaas la xaqiijiyay, ciidanka Suuriya waxay u gudbeen isgoyska Rasafa, oo ah marin istiraatiiji ah oo isku xira Raqqa, Tabqa iyo koonfurta Suuriya. Qabsashada Rasafa ayaa furtay waddo toos ah oo lagu gaari karo saldhigga Tabqa, oo hadda gacanta ciidanka dawladda galay.

Qabsashada saldhigga Tabqa waxay ka dhigan tahay wax ka badan guul ciidan. Tabqa waa meel xakameysa dhaqdhaqaaqa militari ee Raqqa, waxayna ku taallaa bartamaha isku socodka Webiga Furaat, ceelasha shidaalka, iyo waddooyinka waaweyn ee waqooyi iyo galbeed Suuriya. Qofkii gacanta ku haya Tabqa, wuxuu gacanta ku hayaa furaha tamarta, sahayda iyo saameynta militari ee waqooyiga Suuriya.

Yaa gacanta ku hayay ceelashan? Muxuuse ka qarxay dagaalkan?

Shidaalka iyo dhulka istaraatijiga ah ee waqooyiga Suuriya , wuxuu gacanta ugu jiray ciidanka kurdida ee loogu yeero ciidanka dimuqraadiga ah ee SDF, kuwaasoo tan iyo markii uu dagaalkii sokeeye ka qarxay Suuriya , sannadkii 2010 gacanta ku hayay ceelasha, iyagoo taageerro ka helaya Mareykanka oo ciidan ay halkaa ka joogaan, balse markii xukunka uu la wareegay Axmed Sharac, wuxuu soo bandhigay heshiisyo SDF ay ugu biireyso dawladda Suuriya , kuwaasoo aan shaqeyn illaa ugu dambeyntii dagaallo toos ah labadii toddobaad ee u dambeeyay ay ka qarxeen gudaha magaalada Xalab ee waqooyiga Suuriya , kaddib markii ciidanka SDF ay joogteeyeen weerarrada ay ku beegsanayaan ciidanka dawladda.

Hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ayaa maanta sii deysay warbixin lagu sheegay in Axmed Sharac, isagoo taageerro ka helaya Turkiga uu go’aansaday in meesha laga saaro SDF, taa oo dhalisay howlgal labo maalin socday in SDF , isaga baxdo ceelal shidaal oo ah kuwa ugu muhiimsan Suuriya iyo saldhigyada milatari ee istaraatijiga ahaa.

Isbeddelka hadda dhacay waxaa horseeday dhowr arrimood oo isku biiray: SDF oo billowday ka bixitaan galbeedka Webiga Furaat, taageerada Mareykanka oo noqotay mid xaddidan oo aan caddeyn, iyo Turkiga oo cadaadis joogto ah ku hayay SDF, una arka halis amni. Dimishiq waxay aragtay in tani ay tahay daqiiqaddii ay ku soo noqon lahayd miiska awoodda, ka hor inta aysan xaaladdu mar kale is beddelin.

SDF hadda waxay wajahaysaa xaqiiqo cusub. Awooddooda militari wali way jirtaa, balse saameyntoodii dhaqaale si weyn ayay u yaraatay, kaddib markii ay lumiyeen ceelal iyo saldhigyo istiraatiiji ah. Waxaa la filayaa in ay ku uruuraan bariga Furaat, halkaas oo ay ku wajihi doonaan cadaadis cusub, mid militari iyo mid siyaasadeedba, taa oo jirta SDF ayaa warsaxaafadeed waxyar ka hor ka soo baxay waxay ku sheegtay in dawladda Suuriya ay jebisay heshiiska ay horey u gaareen oo la xiriiray inay deegaannada miyiga Xalab, ka baxaan SDF, xilligaana howlgalka u rogtay dagaal toos ah, iyagoo sheegay inay arrintan ka dhalan doonto inay SDF si adag isku difaacdo iyo xaalad dagaal oo dhab ah in la galo.

Doorka Turkiga iyo Mareykanka ayaa weli ah mid go’aaminaya jihada xigta. Turkiga ma qarin in uu doonayo in la wiiqo SDF, wuxuuna bixinaya taageerro sirdoon iyo mid milatari, halka Mareykanku uu isku dayayo in uusan ku lug yeelan dagaal , wuxuuna SDF uga tagay inay ku burburaan gacanta ciidanka dawladda Suuriya ee Turkiga uu taageerro, kaddib muddo 15 sanno ah oo xulafo uu lahaa.

Guushan militari waxay sidoo kale miisaan gaar ah u leedahay madaxweynaha Suuriya , Axmed Sharac wuxuu helay fursad uu ku muujiyo in dawladda dhexe ay weli awood u leedahay inay dib u soo ceshato dhul iyo kheyraad. Waa fariin gudaha ah oo ku socota shacabka Suuriya, iyo fariin dibadeed oo ku socota quwadaha gobolka.

IMAN JAMA

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.