Sunday, April 12, 2026

Madaxweynaha Uganda Oo Dib u Hagaajinaya Xiriirka Iran Kadib Taageeradii Irsael Ee Wiilkiisa kasoo Yeeray

by Heemaaln
1 minutes read

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa qaaday tallaabo diblomaasiyadeed oo lagu dejinayo xiriirka dalkiisa iyo Iran, kaddib markii wiilkiisa uu hore u jeediyay hadallo hanjabaad ah oo xiisad abuuray.

Museveni ayaa kulan la yeeshay safiirka Iran u fadhiya Uganda, Majid Saffar, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga labada dal iyo dib u soo celinta kalsoonida diblomaasiyadeed.

Xiisadda ayaa ka dhalatay hadallo ka soo yeeray Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiilka madaxweynaha isla markaana sarkaal sare oo milatari, kaas oo sheegay in Uganda ay taageeri karto Israa’iil isla markaana ay suurtagal tahay inay weerar ku qaaddo Iran.

Hadalkaasi ayaa si degdeg ah u kiciyay falcelin diblomaasiyadeed, inkasta oo dowladda Uganda aysan si rasmi ah u qaadan mowqifkaas.

Kulanka Museveni iyo safiirka Iran ayaa loo arkaa dadaal lagu doonayo in lagu qaboojiyo xaaladda, iyadoo Kampala ay muujisay inay doorbideyso wada-hadal iyo iskaashi halkii ay ka geli lahayd khilaaf militari.

Ilaa iyo hadda, ma jiro wax hadal rasmi ah oo ka soo baxay Tehran oo si toos ah uga jawaabaya arrintan, balse falanqeeyayaal ayaa sheegaya in tallaabada Museveni ay ka hortagi karto inay sii xumaato xiriirka labada dal.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.