Madaxweynaha Ukraine “Yurub Ma Dhisi-karo NATO cusub Ukraine iyo Turkiga La’aantood.”

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Ukraine,Volodymyr Zelenskyy ayaa u sheegay dalalka Midowga Yurub ee doonaya inay dhisaan NATO cusub: “Ukraine iyo Turkiga la’aantood, Yurub ma yeelan karto ciidan la mid ah kan Ruushka…Laakiin haddii ay ku jiraan Ukraine, Turkey, Norway iyo Ingiriiska, Yurub waxay awood u yeelan doontaa inay xakameyso amniga badaha ma aha hal bad oo keliya, balse guud ahaan. Tani waa jawaabta.”

Wuxuu intaa ku daray; “Sababtaas awgeed, Midowga Yurub waa inuu sidoo kale helaa waddo uu ku dhiso saaxiibtinimo iyo iskaashi istaraatiiji ah, si loo helo hab lagu daro afartan dal, loona noqdo urur dhaqaale ahaan aad u xooggan.”

Afarta dal ee uu sheegay Zelenskyy, waa dalalka aan ku jirin ururka Midowga Yurub , wuxuuna dabool u raadinayaa Ukraine inay ku biirto Midowga Yurub.