Madaxweyne Cirro Oo Ka Fal Celiyey Wufuuda Timiday Magaalada Laascaanood

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa si adag uga hadlay booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ay Jimcaha ku tageen magaalada Laascaanood, isagoo ku tilmaamay daandaansi iyo faragelin qaawan oo ka dhan ah Somaliland.

Cirro ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay qorsheyneyso duullaan ka dhan ah Somaliland, isla markaana ay Laascaanood geyneyso ciidamo iyo hub, taas oo uu sheegay inay halis ku tahay nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika. Waxa uu digniin u diray dowladaha uu sheegay inay xulafo la yihiin Soomaaliya, isagoo uga digay inay ku lug yeeshaan arrimo uu ku tilmaamay faragelin iyo xasillooni-darro.

Madaxweynaha Somaliland ayaa farriin u diray beesha caalamka, oo ay ka mid yihiin dalalka deriska ah, Carabta, Islaamka, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub, isagoo ku adkeeyay in tallaabooyinka ay qaadayso Dowladda Soomaaliya yihiin duullaan cad.

Cirro ayaa sheegay in Somaliland aysan duulaan ku ahayn Laascaanood, balse ay ka digeyso in magaaladaas laga soo abaabulo weerarro ka dhan ah Somaliland. Waxa uu xusay in Somaliland iyo shacabkeedu diyaar u yihiin difaaca dhulkooda, hadalkana wuxuu ka jeediyay kulan uu maanta la yeeshay goleyaasha Somaliland.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.