Madaxweyne Cirro Oo la Xaqiijiyay inuu ku Suganyahay dalka Switzerland

by Heemaal
0 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Soomaaliland,Cabdiraxmaan Cirro ayaa xaqiijiyay inuu ku suganyahay dalka Switzerland, kaddib markii uu baahiyay sawirka diyaarad nooca qumaatiga u kacda oo ay leedahay shirkadda Air Zermatt.

Diyaaradan ayaa Cirro , ka soo qaaday garoonka diyaaradaha Mollis ee dalka Switzerland, waxayna geysay magaalada Davos , oo uu ka socdo shir madaxeedka dhaqaalaha oo ay ku suganyihiin inta badan hoggaamiyeyaasha caalamka. Socdaalkan wuxuu u muuqdaa , madaxweynaha Somaliland inuu raadinayo kulan dooceedyo uu la qaato ka qeybgalayaasha shirka Davos.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.