Madaxweyne Turkey Recep Tayyip Erdoğan ayaa Telefonka ula hadlay Amiirka Kuwait, Sheikh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah, halkaas oo labada hoggaamiye ay ka wada hadleen arrimaha xiriirka laba-geesoodka ah iyo xaaladaha Soomaaliya sida ay sheegtay Madaxtooyada Turkey.
Madaxweyne Erdoğan ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay mudan tahay in la taageero midnimadeeda iyo xuduudaheeda, isagoo tusaale u soo qaatay go’aanka Israel ee aqoonsiga Somaliland, taasoo muujinaysa qorshaha Israel ee lagu doonayo in lagu carqaladeeyo xasilloonida gobolka.
Erdoğan ayaa sidoo kale ku baaqay in Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka laga taageero xasillooni siyaasadeed iyo horumar, isaga oo tilmaamay in taageerada caalamiga ah ay muhiim u tahay ilaalinta midnimada Soomaaliya iyo ka hortagga dadaallada lagu kala fogaynayo dalalka gobolka.

