Madaxweyne Ibrahim Traore oo Mar kale ka Badbaaday Isku day Dil

by Heemaal
1 minutes read

Madaxweynaha Burkina Faso, Ibrahim Traore ayaa ka badbaaday iskuday dil , sida ay maanta shaaca ka qaadeen milatariga Burkina Faso oo sheegay howlgal laga soo abaabulay dibadda in la fashiliyay xilli uu ku dhawaa in la fuliyo oo la beegsado Traore, sida ay werisey Reuters.

Dowladda Burkina Faso ee xukunka horay ugu qabsatay Afgambiga ayaa markale ka badbaaday xukun marooqsi lala damacsanaa Madaxweyne Kabtanka Ibrahim Traore, waxaa isku daygaan lagu eedeeyay saraakiil ciidan oo kaalmo dibadda ah ka helaya Dalalka deriska ah.

War ka soo baxay Dowladda Burkina Faso ayaa lagu sheegay in la xakameeyay isku daygaan Afgambi lagana guulaystay kooxahaas, waxaa dambiyo culus lagu eedeeyay saraakiil iyo mas’uuliyiin kala duwan oo la raadin doonno.

Hay’adaha sirdoonka iyo kuwa kale ee Amniga ayaa lagu amaanay in ay si xirfadaysan uga hortageen shirqoollada Dibadda iyo kuwa gudaha ah ee isku xiran, kuwaas oo lagu doonayo in lagu afgambiyo dowladda talada hadda haysa.

Wasiirka Amniga Burkina Faso, Mahamadou Sana ayaa Teleefishinka Dalkaas ka sheegay in ay ammaan mudan yihiin ciidamada geesiyaasha ah ee kahortagay isku dayga lagu hagardaamayn rabay Dalkiisa, waxa uu digniin u diray dadka cadawga la shaqaynaya.

Have any thoughts?

Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.