Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Hoygiisa Borama ku Booqday Ugaaska Guud ee Beelaha Gadabuursi

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta gallinkii dambe hoygiisa magaalada Borama ku booqday Ugaaska Guud ee Beelaha Gadabuursi, Ugaas Cabdirashid Ugaas Rooble Ugaas Doodi.

Madaxweyne ku-xigeenka waxa booqashadiisa ku wehelinayey Wasiir ku-xigeenka Beeraha, Agaasimaha Guud ee Duulista Hawada iyo horumarinta Madaarada iyo Badhasaabka Gobolka Awdal.

Ugaas Cabdirashid Ugaas Rooble Ugaas Doodi ayaa Madaxweyne ku-xigeenka JSL uga mahad naqay booqashada uu ugu yimid, isaga oo ugu duceeyey in uu Allah SWT xilka ku asturo.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa si mug leh ugu mahad celiyey Ugaas Cabdirashid Ugaas Rooble Ugaas Doodi.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.