Madaxweyne Trump oo Kabaha la Dulmaray Isbaheysiga NATO

by Heemaal
2 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweyne Trump, ayaa ku sheegay isbahaysiga NATO , kuwa aan jirin haddii uusan Mareykanka qeyb ka ahayn, waxaa kaloo uu tilmaamay in Ruushka iyo Shiinaha ay uga cabsanayaan NATO, kaliya in Mareykanka uu qeyb ka yahay, isagoo maanta soo bandhigay hadalladii uga adkaa oo ka dhanka NATO;

Trump ayaa yiri:-

Dhammaan xubnaha NATO , waxay ku ekaayeen 2% GDP inay ku bixiyaan kharashaadka ay ku bixiyaan isbahaysiga NATO, qaar badanna ma bixiyaan, illaa aan anigu imid. Mareykanku si doqonnimo ah ayuu u bixinayay kharashkooda! Anigu, si ixtiraam leh, ayaan ku qanciyay inay gaaraan 5% GDP, waana bixinayaan, si degdeg ah.

Qof walba wuxuu yiri arrintaas lama samayn karo, balse waa la sameeyay, maxaa yeelay wax walba ka sokeeya, dhammaantood waa saaxiibbaday.

Haddii aanan anigu ku lug yeelan, Ruushku maanta wuxuu heysan lahaa Ukraine oo dhan. Xusuus kale anigu kaligay ayaan ku soo afjaray 8 dagaal, balse Norway, oo xubin ka ah NATO, si doqonnimo ah ayay u dooratay inaysan i siin Abaalmarinta Nabadda ee Nobel. Laakiin taasi waxba igama gelin!

Waxa muhiimka ah waa in aan badbaadiyay malaayiin naf. Ruushka iyo Shiinuhu wax cabsi ah kama qabaan NATO haddii uusan Mareykanku la jirin, aniguna waxaan ka shakisanahay in NATO ay si dhab ah wax ina tari karto haddii aan u baahano. Qof walba waa nasiib badan yahay in aan dib u dhisay ciidankeena xilligii aan xilka hayay ee koowaad, welina aan sii wado.

Mar walba waan la jiri doonnaa NATO, xitaa haddii ay iyagu nala jiri waayaan. Qaran keliya oo Shiinaha iyo Ruushku ka cabsadaan, ixtiraamaan waa Mareykanka uu DJT dib u dhisay.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada gaarka ah ee Gorgor ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaasoo tababar ciidan ku qaatay Kulliyadda Tababbarka Ciidamada ee TURKSOM.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa bogaadiyay dadaallada joogtada ah ee ay wadaan talisyada Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaasoo diiradda saaraya kobcinta awoodda, xirfadda, iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.