Madaxweyne Trump oo u Goodiyey Qaar ka mid ah Dalalka Yurub

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweyne Trump ayaa dalalka Yurub gaar ahaan Faransiiska, Ingiriiska , Jarmalka, Netherlands, Denmark, Norway, Sweden iyo Finland, wuxuu maanta ugu hanjabay inuu saari doono canshuur 10% ah , haddii aysan taageerrin qorshaha uu ku doonayo jasiiradda Greenland ee hoostagta Denmark inay noqoto meel uu Mareykanka xukumo.

Trump ayaa sheegay in mar kasta oo ay ku adkeystaan inaysan jasiiradan ku soo wareejin Mareykanka, inay canshuurta ku kordhi doonto, sida ay werisey Reuters oo xiganaysa qoraal uu Trump baahiyay.

Dalalka Yurub, oo ay ugu horreeyaan Denmark, Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka, Norway, Sweden iyo Netherlands ayaa billaabay ciidan isugu jira; dhul , cir , bad iyo agab milatari inay ku daabulaan jasiiradda Greenland, si ay uga difaacaan iskudayga Trump uu ku doonayo jasiiradan inuu ku qabsado.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.