Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, intii uu ku sugnaa magaalada Baydhabo, halkaas oo uu ku joogi doono muddo saddex maalmood ah.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xoojinta nabadda iyo dib u heshiisiinta bulshada, dardargelinta geeddi socodka dimuqraadiyeynta, gurmadka abaaraha, iyo horumarinta dowladnimada guud ahaan dalka.
Madaxweynaha ayaa Odayaasha Dhaqanka ku bogaadiyey doorkooda taariikhiga ah ee ay ku leeyihiin ilaalinta midnimada iyo wadajirka bulshada, xalinta khilaafaadka, iyo taageerada dowlad-dhiska. Wuxuu si gaar ah u xusay in hoggaanka dhaqanku uu yahay tiir muhiim u ah nabadda iyo xasilloonida, isla markaana loo baahan yahay in la xoojiyo wada shaqeynta u dhexeysa dowladda iyo Odayaasha si loo gaaro horumar waara.
Intii uu socday kulanka, Madaxweynaha ayaa sidoo kale la wadaagay Odayaasha qorshayaasha dowladda Federaalka ee ku aaddan horumarinta adeegyada bulshada, amniga, iyo kobcinta dimuqraadiyadda, isaga oo ku booriyay in ay door firfircoon ka qaataan hirgelinta qorshayaashaas.
Dhankooda, Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada iyo muddada uu ku sugan yahay Baydhabo, iyaga oo ku tilmaamay mid muujinaysa sida ay dowladda uga go’an tahay la shaqeynta bulshada deegaanka. Waxay sidoo kale muujiyeen garab istaagooda buuxa ee ku aaddan dadaallada dowladda Federaalka ee nabadeynta, dib u heshiisiinta, iyo horumarinta deegaanada Koonfur Galbeed.
Ugu dambeyn, kulankan ayaa qayb ka ah safarka shaqo ee Madaxweynaha ee Baydhabo, kaas oo socon doona saddex maalmood, lana filayo in uu la kulmo qeybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiinta maamulka si loo xoojiyo iskaashiga iyo horumarka gobolka.