Difaacyaasha xuquuqda Falastiiniyiinta ayaa ammaanay duqa magaalada New York, Zohran Mamdani, kadib markii uu si dhaqso ah u baabi’iyay amarradii gobalka ee taageeray Israa’iil maalmo kadib markuu xilka qabtay, tallaabadan oo ay si degdeg ah uga soo horjeestay dowladda Israa’iil.
Khamiistii, maalintii ugu horeysay ee uu xilka qabtay, Mamdani wuxuu baabi’iyay dhammaan amarradii fulinta ee uu ka dhaxlay, ama horey uu u soo saaray duqii ka horeeyay, Eric Adams, ka dib markii Adams loo soo jeediyay dacwado musuqmaasuq 26-kii Sebtember 2024.
Mid ka mid ah amarradaas la baa’biyey ayaa mamnuucayay qaadacaada ka dhan ah Israa’iil iyo kana hor-istaagaayey dadka loo magacaabo duqa magaalada New York, inay bixiyaan heshiisyo “ka dhan ah Dowladda Israa’iil, muwaadiniinta Israa’iil, ama kuwa xiriirka la leh” xulafada Mareykanka.
Amarkan waxaa saxiixay Eric Adams in ka yar bil ka hor, waxaana loo arkay in ay ahayd isku day uu doonayay in uu u abuuro khilaaf dowladda Mamdani ee cusub ka hor intaanu xilka qaban.
Amar kale oo hadda la baabi’iyay ayaa loo isticmaali jiray in ay danbi tahay, ka soo horjeedka Yuhuudda (anti-Semitism), tan oo ka timd International Holocaust Remembrance Alliance (IHRA), taasoo ay dadku sheegeen inay noqon karto mid loo adeegsado in lagu caburiyo ama lagu ganaaxo, ama lagu cinqaabo, dadka jeediya hadalo lagu dhaliilaayo Israa’iil.
Nasreen Issa, oo ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Dhallinyarada Falastiin ee New York, ayaa sheegtay in Israa’iil iyo taageerayaasheeda ay muddo dheer dadaal ugu jireen “ciqaab ka dhalata, ka hadalka ra’yi ka soo horjeeda Yuhuuda.”
“Markaa, diidmada Mamdani ee arrintan waa tallaabo wanaagsan oo lagu ilaalinayo xuquuqda dadka New York iyo sharafta Falastiiniyiinta,” ayay Issa u sheegtay Al Jazeera.
Afaf Nasher, oo ah madaxa laanta New York ee Golaha Xiriirka Islaamka ee Mareykanka (CAIR), ayaa sidoo kale bogaadisay Mamdani markii uu baabi’iyay “amarka aan dastuuriga ahayn ee xadidaya awoodda dadka New York inay dhaliilaan racism-ka, dowladda Israa’iil ama qaadacaada tacaddiyada xuquuqda aadanaha ee Israa’iil gaysato.”
Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Israa’iil ayaa cambaareysay tallaabooyinka Mamdani Jimcaha, iyadoo sheegtay in duqa cusub ee la doortay uu muujinayo “wajiigiisa dhabta ah.”
“Tani ma aha hoggaan. Waa shidaal ka soo horjeeda Yuhuudda oo lagu shidayo dab furan,” ayay ku tiri wasaardu qoraal ay dhigtay barta bulshada ee X.
Wasiirka Qurbajoogta Israa’iil iyo La Dagaallanka Nacaybka Yuhuudda, Amichai Chikli, ayaa isticmaalay luuqad Islaam-nacayb ah si uu u dhaliilo go’aanka Mamdani.
Wuxuu ugu yeeray duqa “taageeraha Hamas” wuxuuna isku xiray isaga iyo duqa Muslimka ee London, Sadiq Khan.
“Marka xisbiga Ikhwaan Muslimiin ee Islaamiga ah oo calankiisu yahay ‘Intifada Caalami ah’ uu helo xukunka New York ama London, waa go’aamadan oo kale waxa aad helayso,” ayuu Chikli ku qoray X.
Ma jirto wax xiriir ah oo la ogyahay oo u dhexeeya Mamdani iyo Khan iyo Ikhwaan Muslimiin.