16
Maraakiib dagaal oo uu leeyahay Mareykanka ayaa markii ugu horreysay tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhexeeya Washington iyo Tehran ka gudbay marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz sida ay werisay Warbaahinta Axios.
Warbixinno ka soo baxaya saraakiil Mareykan ah ayaa sheegaya in maraakiibtan ay si nabad ah uga gudbeen marinka, iyagoo ka yimid Badda Carabta kuna sii jeeday Gacanka, ka dibna dib ugu laabtay jihadii ay ka yimaadeen, iyadoo aan wax iskaashi ah lala samayn dhinaca Iran

