Maraykanka ayaa sheegay inuu gubay markab Iran leedahay oo qaada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn

Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in ay weerareen markab ay leedahay Iran, kaas oo qaada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, isla markaana ay sheegeen in hadda uu dab qabsaday.

Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in ciidamada Maraykanku aysan ka laaban doonin howlgalka lagu burburinayo dhammaan ciidamada badda ee Iran, iyadoo weerarka wadajirka ah ee Maraykanka iyo Israa’iil ku hayaan Iran uu galay maalintii toddobaad.

CENTCOM waxay sheegtay in markabkan uu cabbir ahaan u dhow yahay cabir ahaan markabkii diyaaradaha qaadi jiray ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Meesha saxda ah ee weerarku ka dhacay lama shaacin, balse muuqaal uu CENTCOM soo dhigay ayaa muujinaya markabka Iran oo qiiq badan ka baxayo kadib markii uu ku dhacay weerarka Maraykanka.

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan