Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Araqchi, ayaa ka digay in dalkiisu si degdeg ah oo xoog leh uga jawaabi doono weerar kasta oo lagu soo qaado. Qoraal uu ku daabacay bartiisa X, ayuu ku sheegay in ciidamada Iiraan ay ku jiraan feejignaan buuxda, islamarkaana ay diyaar u yihiin difaaca dhulka, hawada iyo xuduudaha badda ee dalka.
Araqchi ayaa tilmaamay in militariga Iiraan ay “riishadda hayaan qoryaha,” taasoo muujinaysa heerka sare ee diyaargarowga ciidamada, isagoo carrabka ku adkeeyay in aan la aqbali doonin wax gardarro ah.
Hadalka wasiirka ayaa imanaya xilli Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu dhowaan ku sheegay bartiisa Truth Social in maraakiib dagaal oo Mareykan ah ay ku sii jeedaan Iiraan. Sida uu sheegay Trump, maraakiibtaas oo uu hoggaaminayo markabka diyaaradaha xambaara ee Abraham Lincoln ayaa ah kuwo diyaar u ah fulinta howlgallo militari haddii loo baahdo.
Xaaladdan ayaa muujinaysa xiisad sii kordheysa oo u dhexeysa Iiraan iyo Mareykanka, taasoo walaac ka abuurtay amniga gobolka Bariga Dhexe.