Maraykanka oo difaacay howlgalkiisa Soomaaliya.

by Heemaal
2 minutes read
A+A-
Reset

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa difaacay kordhinta duqeymaha cirka ee uu ka fulinayo Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay “taageero lama huraan ah” oo gacan ka geysatay in ciidamada ammaanka Soomaaliya ay daciifiyaan maleeshiyaadka ku xiran ISIS, isla markaana ay gacanta ku hayaan dhulal istaraatiiji ah oo ku yaalla waqooyi-bari dalka.

Intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo dhanka internetka ah, Taliyaha AFRICOM, Jeneraal Dagvin Anderson, ayaa sheegay in duqeymahaasi ay si buuxda ula jaanqaadeen hawlgallada ciidamada Soomaaliyeed, isla markaana ay bixiyeen awoodo aysan ciidamada maxalliga ah kaligood u heli karin, sida sirdoon, kormeer (surveillance), iyo bartilmaameed sax ah.

Jeneraal Anderson ayaa tusaale u soo qaatay hawlgallada ka socda Buuraleyda Golis ee Puntland, isagoo sheegay in taageerada cirka ee Mareykanka ay door weyn ka qaadatay guulaha la gaaray. Sida uu sheegay, ciidamada Soomaaliyeed oo garab ka helaya Mareykanka ayaa weerar ku qaaday xubnaha ISIS ee ku dhuumaaleysanayay dhulka buuraleyda adag, taasoo si weyn u yareysay goobihii ay ku shaqeynayeen.

“Duqeymahani waxay u suurageliyeen ciidamada inay sii joogaan furimaha dagaalka, yareeyaan dhulka ay ISIS maamuleyso, isla markaana ay cadaadis joogto ah ku hayaan Buuraleyda Golis,” ayuu yiri Anderson, isagoo xiganaya warbixinno ka yimid dhinaca ciidamada Soomaaliyeed.

Waxa uu intaa ku daray in cadaadiska joogtada ah uu ku khasbay hoggaanka ISIS inay is qariyaan, isla markaana uu xaddiday awoodda kooxda ee abaabul iyo dhaqdhaqaaq furan.

Inkasta oo duqeymaha cirka ay dareen badan soo jiiteen, haddana mas’uuliyiinta AFRICOM waxay carrabka ku adkeeyeen in ay yihiin hal qeyb oo keliya oo ka mid ah iskaashiga amni ee ballaaran ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Sarjeento Major Garric M. Banfield, oo ah sarkaalka ugu sarreeya askarta AFRICOM, ayaa iftiimiyay dadaallada lagu xoojinayo la socodka badda (maritime domain awareness) ee xeebaha Soomaaliya.

“Taageeradan waxay ku jirtaa gargaar farsamo oo ka caawinaya hay’adaha Soomaaliyeed inay si wanaagsan ula socdaan biyahooda, ugana hortagaan khataraha sida tahriibinta hubka, burcad-badeedda, iyo kalluumeysiga sharci-darrada ah,” ayuu yiri Banfield.

Waxa uu sheegay in ujeeddadu tahay in la dhiso awoodo amni oo lagu ilaaliyo xeebaha iyo xuduudaha dalka.

Hoggaanka AFRICOM ayaa sidoo kale ku xiray ammaanka badda xasilloonida guud ee gobolka Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, iyagoo xusay in shabakadaha tahriibka ay awood siiyaan kooxaha hubeysan ee ka hawlgala Soomaaliya.

FRICOM waxay u aragtaa Soomaaliya inay tahay furin muhiim ah oo dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee qaaradda, oo ay ka mid yihiin al-Shabaab iyo laamaha ISIS.

Jeneraal Anderson ayaa adkeeyay in taageerada Mareykanku ay kaabeyso, balse aysan beddelin ciidamada Soomaaliyeed.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.