Maraykanka Oo Ergo Dhex-dhexaadin ah Iyo Ciidanka Dalaayadaha ku Booda u Wada Diray Iraan.…

Mareykanka ayaa isku dayaya in dib loo soo celiyo jawi wada-hadal, iyadoo la xaqiijiyay inay farriin ka socota Mareykanka gaartay Iiraan, isagoo u sii maraya dhexdhexaadiyayaal,taa oo la xiriirta hababka lagu joojin karo dagaalka ,balse arrintu weli ma gaarin heer wada-hadallo rasmi ah, sida ay werisey CNN.

Warbixintan, waxaa kaloo lagu sheegay inay Iiraan sheegtay in ay diyaar u tahay soo jeedin kasta oo lagu gaari karo xal waara oo dhab ah,laguna soo afjari karo dagaalka, balse aysan aqbali doonin xabbad-joojin, waqti kooban ah.

Trump ayaa amray in bariga dhexe la geeyo ciidanka diyaaradaha hawada looga dejiyo ee cutubta 82 -aad, iyadoo koror uu ku yimid ciidanka Mareykanka uu ku daabulayo bariga dhexe, sida ay saraakiil Mareykan ah u sheegeen Fox News.

Related posts

Iran oo Israel ku Weerartay Gantaalo ka Miisaan culus kuwii Hore

Qodobada Heshiiska uu Mareykanka u Gudbiyay Iiraan Oo la Shaaciyay.

Xoghayaha Dagaalka Mareykanka Oo Trump ka Hor-qiray In Awooda Iran la Jabin karin.