Washington ayaa joojisay dacwadda multibilyan dollar ka ee ka dhanka ahayd Halkbank, bankiga dowladda Turkiga, kadib markii Ankara ka caawisay sii deynta maxaabiista Israa’iil ah oo ay haysteen Hamas sanadkii 2025.
Dacwad oogayaashii Maraykanka ayaa Halkbank ku eedeeyay in uu ka caawiyay Iran jebinta cunaqabataynta iyada oo loo marayo lacag dhaqid iyo shirkado been abuur ah, isagoo qarsoodi u wareejiyay $20 bilyan oo lacag xaddidan.
Heshiiska dib u qaadista dacwada ayaa dacwadaha lagu joojinayaa iyadoo Halkbank laga dalbanayo isbeddello gudaha ah, balse aan la bixin wax ganaax ah. Dukumentiyada maxkamadda iyo kuwa rasmiga ah ee Maraykanku waxay muujinayaan in heshiiska uu qeyb ka yahay dadaallada diblomaasiyadeed ee Turkiga iyo Maraykanka ee ku saabsan xabbad-joojinta dagaalka Gaza iyo sii deynta maxaabiistii israaiil.
Maxkamadda Gobolka Koonfureed ee New York ayaa la filayaa in ay ansixiso heshiiskan toddobaadkan