Maraykanka Oo Joojiyay Gargaarkii Uu Siin jiray Somaliya Markii Uu ku Eedeyay Dawlada Inay Dhacday

by Heemaal
1 minutes read

Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inuu joojiyay barnaamijyadii gargaarka ee la siin jiray dawladda Federaalka , iyadoo go’aankan lagu saleeyay in mas’uuliyiin ka tirsan dawladda ay burburiyeen bakhaar ay leedahay hay’adda cuntada adduunka ee WFP oo Mareykanka uu taageerrayay.

“Waxaana halkaa lagala baxay 75 tan oo gargaar loogu talagalay dadka nugul ee Soomaaliya . Si dib gargaarkan loogu soo celiyo , wuxuu Mareykanku sheegay in looga baahanyahay dawladda Federaalka inay qaadato mas’uuliyada ficilkan oo lagu tilmaamay mid aan la aqbali karin, oo la qaado tallaabooyin sax ah oo arrintan wax looga qabanayo.

Mareykanku ma caddayn halka ay dhacdadan ay ka dhacday, waxa ay se sheegeen in dib-u-soo-celinta gargaarka ay ku xidhnaan doonto tallaabada ay qaaddo DFS.

Have any thoughts?

Share your reaction or leave a quick response — we’d love to hear what you think!

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.