Maraykanka Oo Raadinaya Nin Somali ah Oo ka Baxsaday Maxkamad ku Eedeysay Lunsiga 11-$ Milyan

by Heemaaln
1 minutes read

Sida ay daabaceen Warbaahinta The New York Post, Fox News, CBC news, xeer ilaalinta dalka Maraykanka gaar ahaanna gobolka Minnesota ayaa raadinaysa nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdirashiiid Ismaaciil Siciid kaas oo ka baxsaday maxkmadddi toddobaadkan ballanta looga qabtay.

Ninkan oo ku eedaysan in uu lunsaday 11 Milyan oo Dollar oo ahayd lacag loogu tala galay barnaamij caafimaad oo lagu taageerayey bulshada gobolkaas ku dhaqan.

Maxkmadda oo ballan la lahayd ayuuna iman toddobaadkan waxana la tuhunsan yahay in gebi ahaanba uu dalka ka baxay isaga oo hore reerkiisa ugu soo diray qaaradda Afrika.

Xeer ilaalinta iyo waaxda garsoorka ee Minnesota ayaa dalbanaysa in la keeno ninkan xogtiisa si loogu oogo eedaha loo haysta.

Ninkan ayaa qayb ka ah eedaysaneeyaal loo haysto in ay lunsadeen lacago Balaayiin ka badan oo la leexsaday intii u dhaxaysay 2019 ilaa 2023, kuwaas oo loogu tala galay arrimaha caafimaadka, wax ka qabashada baahiyaha gaarka ah, xanuunkii Covid-19 iyo taageerada dadka danyarta ah.

Trump ayaa marar badan Warbaahinta ka sheegay in Soomaalidu lunsatay lacagihii Maraykanka isaga oo daliil ka dhiganaya arrimaha la xidhiidha musuq maasuqa ka dhacay Minnesota.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.