Maraykanka Oo Xayiraad kusoo Rogay Dekadaha Iran iyo Iran Oo si Adag u Diiday.

by Heemaaln
1 minutes read

Mareykanka ayaa qaaday tallaabo sare u qaadaysa xiisadda Iiraan, ka dib markii uu xayiraad saaray dhammaan dekedaha Iiraan oo uu sheegay inaysan jiri karin wax maraakiib tagi karta ama ka soo bixi karta, iyadoo u ujeeddadu tahay in la cadaadiyo Iiraan oo diiday dhammaan shuruudihii Mareykanka inta lagu jiray wada-hadalladii fashilmay ee Pakistan.

Go’aankan xayiraada dekedaha Iiraan oo la sheegay inuu dhaqangalayo 10 subaxnimo ee Isniinta berri ayaa go’doomin galinaya Iiraan, taa oo dhalin karta inay Iiraan qaado tallaabooyin ay uga jawaabayso oo noqon karta inay si la mid ah xayiraad ku soo rogto dekedaha Bariga Dhexe, iyadoo go’aankan keliya uusan caqabad ku noqonayn Iiraan ee saameyntiisa ay gaari karto dunidda , maaddama ay ka dhalanayso qiimo koror ku yimaada qiimaha shidaalka calaamka, arrin ka dhigan inaysan cidno faa’iido ka dhaxli doonin isku dayga lagu xayiray dekedaha Iiraan.

Dowladda Iiraan ayaa si adag u diiddey xayiraad uu Mareykanku ku soo rogey dekedaha dalkaas, iyada oo La-taliyaha militariga ee Hogaamiyaha Iiraan, Muxsin Rezaei uu sheegey; “Marnaba ma oggolaan doonno xannibaad & xayiraad Mareykan, ciidankeenna waxay haystaan habab hor leh oo ay uga hortagaan… Iiraan ma aha meel lagu xannibi karo Twitter & qoraallo male-awaal ah.”

Ciidanka Mareykanka ayaa caawa sheegey in ay xayiraad buuxda saarayaan dekedaha Iiraan oo idil, iyaga oo tan ku cadaadinaya ka dib markii Iiraan ay diiddey dalabyada Mareykanka.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.