Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Marco Rubio ayaa maanta shaaca ka qaaday in Mareykanka lagu xiray gabar uu adeer u yahay taliyihii hore ee ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan, Qasem Soleimani oo weerar Mareykanka uu ka fuliyay Ciraaq , sannadkii 2020 lagu dilay,
Wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa sheegay in uu joojiyay, sharciga Green cardka ee ay ku dagganeyd dalkaas Gabar uu adeer u yhay Qaasim Suleymaani iyo Gabadheeda.
Hamideh Soleimani Afshar, iyo gabadheeda ayaa hadda ku jira xabsi ay leedahay ICE, waxana uu ku dooday in madaxfa dalkiisa ay ku rilmaamtay shayaaddiin waaweyn.
Waxa ay sheegeen in gabadha Soleimani ay sii waday inay noqoto “taageere cad” oo u janjeera nidaamka Iiraan iyo inay Mareykanka ka faafisay “dacaayad”.
“Maamulka Trump uma oggolaan doono dalkeenna inuu noqdo hoy ay ku nool yihiin muwaadiniinta ajnabiga ah ee taageera nidaamyada argagixisada ee ka soo horjeeda Mareykanka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Screenshot
Wakaaladda wararka Iiraan ee Tasnim ayaa maanta ku dhawaaqday in koox cusub oo xiriir la leh Iiraan oo lagu magacaabo Kata’ib Jundi al-Karrar oo ka howlgalaysa gudaha Suuriya inay fulisay weerarkii u horreeyay oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo maanta lagu beegsaday saldhig ciidanka Mareykanka ay ku leeyihiin dalka Jordan, iyadoo howlgalkan uu dib usoo celinayo is waydiinta inay wali Iiraan saameyn ku leedahay gudaha Suuriya.
Raadinta duuliyihii Mareykanka ayaa wali socota, Iiraan waxay ku baaqaysaa iney bixineyso abaalmarin halka Trump uu hanjabayo.
Iiraan waxay ugu baaqday shacabkeeda iney gacanta kusii dhigaan duuliyaha Mareykanka, iyadoo qofkii soo qabta u ubalanqaaday abaalmarin, halka Madaxweynaha Mareykanku uu hanjabayo Isla markaana uu sheegay iney 48 saac oo kaliya uga hadhsan tahay Iiraan inuu albaabada jaxiima ku furo hadii aysan aqbalin heshiis.
Xuutiyiinta Yemen ayaa weerar gantaallo ah hadda ku qaaday gudaha Israa’iil, iyadoo nidaamka digniinta hore laga daaray Israa’iil, sida uu weriyey telefishinka Israa’iil ka soo baxa ee Channel 14.
Ra’iisal Wasaaraha ISRL oo ka hadlaya Iiraan ayaa yidhi. “Ka dib markii aan burburinay 70% awooddooda wax soo saarka birta, maantana waxaan weerarnay Warshadaha Petrochemical-ka, waxaan sii wadi doonaa inaan burburino Iiraan.”