Mareykanka iyo Israa’iil Oo Qorshaynaya In Ciidamo Gaar ah loo Diro Gudaha Iran Iyo Shiinaha Oo ka Digay

Mareykanka iyo Israa’iil ayaa ka fiirsanaya qorshe loogu dirayo ciidamo gaar ah gudaha Iran si loo qabsado ama loo xakameeyo keydka nukliyeerka Iran, sida ay sheegtay Axios,

Shiinaha ayaa ku dhawaaqday in la dhawro madax banaanida iyo jiritaanka dalka Iran, ayna diyaar u tahay in ay qaadato door dhexdhexaadin muhiim ah.

Donald Trump ayaa sheegay inuu ka fiirsanayo in uu qabsado jasiiradda Kharg Island, oo ah xarunta ugu weyn ee dhoofinta saliidda Iran ee Persian Gulf, taas oo kusoo aadaysa xili maalin kahor Washington ay sheegtay in ay qaadanayso ceelasha shidaalka ee Iran.

Related posts

Wasiir Jarmal ah iyo waftigiisii oo Iiraan gantaal ku weerarat, godkana loola cararay

Iiraan oo xalay weeraro balaadhan ka fulisay Bariga dhexe iyo Israa’iil

IEA ayaa ka fiirsanaysa inay sii deyso saliid aad u badan oo kaydkeeda ku jira