Mareykanka iyo ISRL ayaa hada bilaabay weeraro ay ku qaadeen Warshada Aluminium-ka ee Araak, iyo xarumaha Petrochemical-ka ee dalka Iiraan.
Iran ayaa sidoo kale markii ugu horreysay waxyar ka hor hal mar si isku mid ah gantaallo ugu weerartay dalalka Qatar, Kuwait, Imaaraadka iyo Baxrayn.Tani waxay ku soo beegantay xilli uu dhammaanayo waqtigii uu Trump u qabtay in heshiis la gaaro.
Arrintan waxay u muuqataa fariin digniin ah oo ka timid Iiraan sida inay leedahay: haddii la i weeraro, aniguna waxaan beegsan doonaa dalalka gobolka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa sheegtay in Israel isku dayayso inay carqaladayso dedaal kasta oo xabbad-joojin ah oo Pakistan ka dhex waddo Maraykanka iyo Iiraan.

