Mareykanka Oo Aqbalay Codsigii Iran Ee ahaa In Wada-hadalka Lagu Koobo Arimaha Nukliyeerka

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Mareykanka, ayaa aqbalay codsigii Iiraan ee ahaa in kulanka loo wareejiyo magaalada Muscat, isla markaana wada-hadallada lagu koobo barnaamijka nukliyeerka Iiraan, iyadoo laga reebayo arrimaha gobolka iyo gantaallada.

Wadahadallada ayaa lagu wadaa inay qabsoomaan Jimcaha, xilli xiisadda militari ee u dhexeysa labada dhinac ay sii kordhayso.

Mareykanka , wuxuu horey u oggolaatay in wadahadallada lagu qabto Ankara , markii Turkiga uu dadaal badan galiyay martigelinta wadahadalladan, balse Iiraan ayaa daqiiqadihii u dambeeyay diiday in wadahadallada lagu qabto Turkiga , taa beddelkeeda waxay soo bandhigeen Cumaan , oo ugu dambeyn hadda ay labada dhinac isku raaceen, tallaabo ka dhigan dharbaxo diblomaasiyadeed oo ay Iiraan ku dhufatay Turkiga , oo ay ka weecisay dhacdo diblomaasiyadeed oo muhiim ah oo xoojin lahayn doorka Turkiga ee bariga dhexe.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.