Mareykanka ayaa qorshaynaya sidii loo taageerri lahaa kooxo hubaysan oo kurdida u badan, si ay dagaal dhulka ah uga fuliyaan gudaha Iiraan , ayaa hadda wakaaladda wararka Iiraan ee
Tasnim waxay werisey ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan inay maanta fuliyeen weerarro duqeyn sax ah oo ay ku adeegsadeen 30 diyaaradood oo ismiidaamin ah, iyagoo ku saleynaya macluumaad sirdoon oo ay heleen, iyagoo weerarradan lagu beegsaday kooxo Kurdi ah oo hubeysan oo ku sugan gobolka Kurdistan.
Waxaa la sheegay in kooxaha gooni-goosadka ahi ay qorsheynayeen inay ka soo gudbaan xadka Ciraaq una soo galaan gudaha Iiraan si ay halkaas uga fuliyaan hawlgallo. Dhaqdhaqaaqan ayaa imaanaya kadib markii Israa’iil iyo Mareykanku ay weerarro ku qaadeen xarumo amni oo ku yaalla xuduudaha Iiraan, taas oo ka dhigtay xuduudaha Iiraan kuwo u nugul isku dayo soo-galid iyo weerarro argagixiso.