Mareykanka ayaa Arbacadii sheegay inuu qaadi doono hakintii gargaarka loo fidin jiray Soomaaliya, kadib markii uu sheegay in mas’uuliyiinta Soo,aaliya ay qaateen mas’uuliyadda falal horaantii bishan dhacay oo carqaladeeyay howlaha gargaarka.
Inkasta oo Mareykanku sheegay in Soomaaliya ay aqbashay mas’uuliyadda carqaladeynta gargaarka Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ee ka dhacday Dekedda Muqdisho, taasoo keentay hakinta gargaarka, haddana dowladda Soomaaliya ma aysan xaqiijin sheegashadaas Arbacadii, mana aysan si degdeg ah uga jawaabin codsi faallo ah oo ay u dirtay wakaaladda wararka ee Associated Press.
Inkastoo hakintii la qaaday, haddana isla markiiba lama caddeyn goorta dib loo bilaabi doono gaarsiinta gargaarka. Hay’adda WFP-na kama aysan jawaabin su’aalihii loo diray si degdeg ah.
Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa 7-dii Janaayo sheegtay inay hakisay dhammaan gargaarkii ay siin jirtay dowladda federaalka Soomaaliya, kaddib eedeymo sheegaya in mas’uuliyiin Soomaali ah ay burburiyeen bakhaar ay Mareykanku maalgeliyey oo ay lahayd WFP, taasoo ka tirsan Qaramada Midoobay, isla markaana ay la wareegeen 75 tan mitrik (82 tan) oo gargaar cunto ah oo loogu talagalay dad rayid ah oo sabool ah.
WFP ayaa hore u sheegtay in bakhaarkeeda ay dumisay dowladda Soomaaliya. Bakhaarku wuxuu ku jiray cunto gaar ah oo loogu talagalay carruurta yaryar iyo haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya ee ay haysay nafaqo-darro. Hay’addu waxay markii dambe sheegtay inay dib u heshay cuntadii, iyada oo aan bixin faahfaahin dheeraad ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa beenisay eedeynta Mareykanka, iyadoo sheegtay in ballaarinta iyo dhismaha ka socda dekedda uusan saameyn ku yeelan ilaalinta ama qeybinta gargaarka bani’aadamnimo.
Xafiiska Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ee Gargaarka Dibadda ayaa Arbacadii qoraal ku daabacay barta X, isagoo sheegay in Mareykanku dib u bilaabi doono qeybinta cunnada ee WFP, isla markaana uu sii wadi doono dib-u-eegista guud ee siyaasadda gargaarka ee Soomaaliya.