Mareykanka oo Hub Culus ka Iibinaya Imaaraadka Carabta.

Wargeyska The Wall Street Journal ayaa sheegay in maamulka madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ansixiyay hub qiimihiisu gaarayo qiyaastii $7 bilyan oo laga iibinayo Imaaraadka Carabta, hubkaas oo Waaxda Arrimaha Dibadda aan looga baahnayn inay si rasmi ah ugu shaaciso dadweynaha sida ku cad xeerarka dhoofinta hubka ee Maraykanka, sida ay sheegtay Reuters.

Wargeysku wuxuu intaas ku daray in tani ay qeyb ka tahay hub laga iibinayo saddex dal oo ah kuwa Bariga Dhexe ah oo hore loo shaaciyay Khamiistii, kuwaas oo qiimahoodu ka badan yahay $16.5 bilyan.

Wargeysku wuxuu soo xigtay saraakiil Maraykan ah oo sheegay in heshiisyadan aan la shaacin ay ka mid yihiin iibinta gantaallada Patriot PAC-3 oo qiimahoodu yahay qiyaastii $5.6 bilyan, iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee CH-47 Chinook oo qiimahoodu yahay qiyaastii $1.32 bilyan oo laga iibinayo Imaaraadka.

Waxaa sidoo kale la sheegay in iibkan aan si rasmi ah loo shaacin sababtoo ah waa hub lagu kordhinayo heshiisyo hub oo hore loo galay

Related posts

Hoggaamiyaha Iran oo sheegay inaysan ka Dambayn Weerar lagu Qaaday Cumaan iyo Turkiga

Somaliland oo ka Hadashay Xeer Muhiim u ah Oo la Horgeeyey Baarlamanka Maraykanka

Mareykanka oo Kumanaan Ciidamo dheeraad ah u Diraya Bariga Dhexe