Mareykanka oo Kumanaan Ciidamo dheeraad ah u Diraya Bariga Dhexe

Maraykanka ayaa wuxuu dirayaa kumannaan ciidamo dheeraad ah oo Marines iyo badmaaxiin ah Bariga Dhexe, sida ay sheegayaan warbixino kala duwan oo soo xiganaya saraakiil aan magacooda la shaacin.

Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in qiyaastii 2,500 oo Marines ah oo saaran markabka USS Boxer ee saldhiggiisu yahay California iyo cutubka 11aad ee Marine Expeditionary Unit ay u socdaan Bariga Dhexe, sida ay warbaahinta Maraykanku sheegtay.

Mid ka mid ah saraakiisha ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in dirista ka imanaysa xeebta galbeed ay ka soo hormartay saddex toddobaad ka hor jadwalkii la qorsheeyay.

Related posts

“Go’aanka Uu Maanta Qaatay Ingiriisku wuu Halis-galinayaa Dadka UK..”Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan

Senatoro Su’aalo Adag ka Weydiisay Janaraal Ciidanka Mareykanka ah Dagaalka Iran

Dhaqaalaha dalka Qatar Oo Hoos u Dhac ku yimid dhawaad 9%.