Mareykanka ayaa 70 milyan oo dollar ku maalgelinaya saldhigga milatari ee Manda Bay ee dalka Kenya, kaasoo ku yaalla meel aan ka fogeyn xadka Soomaaliya iyo badweynta Hindiya.
Maalgelintan ayaa la sheegay in loo adeegsanayo sidii saldhiggan u noqon lahaa mid ay si buuxda ugu tiirsanaan karaan ciidanka Mareykanka , oo la sheegay inay ballaarinayaan howlgallada ay ka fuliyaan Soomaaliya ee lagula dagaallamayo AS.
Saldhigan waxaa wadajir ah u adeegsada ciidanka Kenya iyo Mareykanka , halkaa oo 2020 ay weerarreen AS , balse istaraatiji ahaan waxaa la sheegay ballaarinta saldhigan oo lagu daray iskudayga uu Mareykanka ku xoojinayo joogitaankiisa magaalada istaraatijiga ah ee Berbera inay la xiriirto yareynta ku tiirsanaanta saldhigga Mareykanka uu ku leeyahay Jabuuti iyo xaqiijinta inuu Mareykanka joogitaan ku leeyahay labada cirif ee badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.

Screenshot
