Mareykanka Oo si qarsoodi ah u Galiyay Gudaha Iiraan Internetka Dayax-gacmeedka ee Starlink, si lMucaaraadka

Wargeyska Wall Street Journal, ayaa maanta ku warramay inuu Mareykanka si qarsoodi ah u galiyay gudaha Iiraan , in ka badan lix kun (6,000) oo internetka dayax-gacmeedka ee Starlink, si loogu fududeeyo mucaaraadka inay helaan habab ay ku xiriiraan marka dawladda Iiraan hawada ka saarto Internetka, tallaabo lagu sheegay inay caddeynayso Mareykanka inuu taageerrayo mucaaraadka Iiraan.

Screenshot

Dhinaca kale Waaxda dagaalka Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa ku dhawaaqday maraakiib dagaal oo uu hoggaaminayo markabka xambaara diyaaradaha iyo nukliyeerka ee USS George H.W. Bush iyo ciidan dheeraad ah in loo dirayo bariga dhexe , xilli ay horey u joogeen maraakiib xambaara nukliyeer iyo diyaaradaha dagaalka, iyadoo joogitaanka Mareykanka ee bariga dhexe , lagu sheegay waqtigan inuu gaaray heerkiisa u sarreeyay taariikhda oo dhan, sida uu weriyey wargeyska Wall Street Journal.

Go’aanka wuxuu soo baxay , saacado kadib markii uu soo dhammaaday kulan saddex saac socday oo xalay ay yeesheen Trump iyo Netanyahu, wallow Trump uu sheegay inuu ka aragti duwanyahay Netanyahu marka laga hadlayo xaaladda bariga dhexe oo nabad iyo wada-xaajood uu ku wajahayo, hadana dhaqdhaqaaqyada waxay buuxiyeen suragalnimada dagaal ka dhaca bariga dhexe inay tahay mid aan la iska indho-tiri karin.

Related posts

Israel oo ansixisay soo jeedin lagu diiwaangelinayo dhulalka Daanta Galbeed (West Bank) inay yihiin “hanti dowladeed”

In ka badan Kun Askri oo ICE ah Oo laga Saaray Minnesota.

Shiinaha Oo Maanta Xaqiijiyay inuu Iran ku Wareejiyay Raadaarka nooca YLC-8B.