Wasiirka Arrimaha Dibadda, Masar, Dr. Badr Abdel Aati, ayaa ka qaybgalay fadhiga ay Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ku yeesheen khadka internet-ka, kaas oo ku saabsanaa taageerada midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wasiir Abdel Aati ayaa cambaareeyay aqoonsiga hal-dhinac ah ee Israa’iil siisay “Gobolka Somaliland”, isagoo tilmaamay in tallaabadan ay ka hor imanayso sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo Axdiga Aasaaska Midowga Afrika. Waxa uu xusay in tallaabadan ay khatar gelin karto nabadda iyo ammaanka Geeska Afrika iyo guud ahaan gobolka, isla markaana ay tahay in la qaado mowqif mideysan oo lagu garab istaago Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sidoo kale faahfaahiyay dadaallada Masar ee taageerada Soomaaliya, oo ay ku jirto hogaaminta hawl-dhaqameedyo diblomaasiyadeed oo caalami ah, kaas oo ku soo dhamaaday bayaanno ay saxiixeen 23 dal iyo labo hay’adood oo caalami ah, taas oo cadeyneysa taageerada buuxda ee Masar iyo beesha caalamka ee midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.
Masar ayaa sidoo kale ku adkaysay in aan la aqbali karin tallaabooyin hal dhinac ah oo lagu abuurayo xaqiiqooyin siyaasadeed oo cusub, maadaama ay taasi wiiqeyso xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan Afrika. Wasiir Abdel Aati ayaa ku baaqay in Golaha Nabadda iyo Ammaanka Afrika uu qaato mowqif mideysan oo adag oo lagu garab istaago Soomaaliya laguna diido tallaabooyinka sharci-darrada ah.
Masar waxay mar kale xaqiijisay sida ay muhiim u tahay in xasilloonida Soomaaliya la taageero, iyadoo qayb ka ah hawlgallada Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilloonida Soomaaliya, iyo dadaallada lagu ilaalinayo ammaanka badda Cas iyo marinada muhiimka ah ee gobolka.


