Masuul ka Tirsan Dowlada Kenya oo Fariin Deg-deg ah u Diray Madaxda Maamulada Somaliya.

by Heemaaln
1 minutes read

Guddoomiyaha magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, Axmed Cabdullaahi, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, isagoo farriin adag u diray hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada ee khilaafka la leh dowladda federaalka.

Axmed Cabdullaahi ayaa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo midnimada dalka, isaga oo soo bandhigay saddex qodob oo uu ku sheegay inay aasaas u yihiin wadajirka iyo xasilloonida Soomaaliya.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda u maamusho arrimaha difaaca, siyaasadda dibadda, iyo sirdoonka, isla markaana loo baahan yahay in maamullada goboleed ay tixgeliyaan oo ku shaqeeyaan nidaamkaas si loo ilaaliyo midnimada dalka.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay dowlad-goboleedyada in aysan faragelin arrimaha istaraatiijiga ah ee taabanaya amniga iyo wadajirka qaranka.

“Dowlad-goboleedyada Federaalka Soomaaliya waa in ay ixtiraamaan awoodaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka, isla markaana ay hoos yimaadaan hay’adaha qaranka sida difaaca, arrimaha dibadda iyo sirdoonka, si loo gaaro Soomaaliya mideysan oo xooggan,” ayuu yiri Axmed Cabdullaahi.

Hadalkan ayaa yimid xilli lagu soo dhaweynayay hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed, waxaana lagu ammaanay dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo isbeddellada maamulka ee ka socda magaalada Baydhaba.

Guud ahaan, Soomaaliya ayaa wajahaysa xaalad siyaasadeed oo adag oo ka dhalatay khilaafyo la xiriira dastuurka ku-meel-gaarka ah iyo nidaamka doorashooyinka, kuwaas oo u dhexeeya dowladda federaalka, maamul-goboleedyada, iyo qeybaha mucaaradka.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.