Dmitry Medvedev, oo ah ku-xigeenka guddoomiyaha Golaha Amniga ee Ruushka, ayaa Sabtidii ka digay in Ruushku uusan marnaba oggolaan doonin joogitaanka ciidamo Yurub ama NATO ah gudaha Ukraine, isagoo ku eedeeyay hoggaamiyeyaasha Yurub inay raadinayaan isku dhac ballaaran isla markaana uga hanjabay cawaaqib aad u daran haddii qorshayaashaas la hirgeliyo.
Medvedev ayaa si adag u cambaareeyay doodaha dhowaan soo baxay ee ku saabsan suurtagalnimada in ciidamo reer Galbeed ah loo diro Ukraine.
“Hoggaamiyeyaasha Yurub ee doqonnimada haya waxay u muuqdaan inay dhab ahaan rabaan dagaal ka dhaca Yurub. Kun jeer ayaa la yiri: Ruushku ma aqbali doono wax ciidamo Yurub ama NATO ah oo Ukraine jooga, balse maya, Micron weli wuxuu faafinayaa hadal aan micno lahayn,” ayuu Medvedev ku yiri bayaan uu ku qoray (X), isagoo isticmaalaya naanays aflagaado ah oo uu ugu yeeray Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.
“Haddaba, kaalay. Tani waa waxa aad heli doontaan,” ayuu ku daray, isagoo raaciyay muuqaallo muujinaya weerar lagu qaaday galbeedka Ukraine, laguna adeegsaday nidaamka Oreshnik.
Hadallada Medvedev ayaa yimid kaddib markii Macron iyo hoggaamiyeyaal kale oo Yurub ah ay dhowaan ka wada hadleen sameynta “Isbahaysiga Kuwo Doonaya” (Coalition of the Willing), kaas oo suurtagal ahaan lagu diri karo ciidamo ilaalin nabadeed ama dammaanad amni ah haddii mustaqbalka la gaaro xabbad-joojin.
Faransiiska iyo Boqortooyada Midowday (UK) ayaa toddobaadkan horraantiisii ku heshiiyey, in ciidamo loo diro Ukraine, haddii heshiis nabadeed la gaaro, tallaabo ay ku sheegayaan, inay lagama maarmaan u tahay sugidda xasilloonida.
Moscow ayaa marar badan caddeysay in joogitaan militari shisheeye oo Ukraine la keeno, loo arki doono khatar toos ah, isla markaana noqon doona bartilmaameed sharci ah.